Wararka
Shirka amniga Caasimadda oo looga hadlay dhacdadii ka dhacday Hotellka SYL.

Waxaaa xarunta gobolka Banaadir lagu qabtay Shirka amniga Caasimadda oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.
Shirka amniga Caasimadda ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dhacdadii ka dhacday Hotellka SYL kaas oo ay soo weerareen Shan ruux oo Al-shabaab ka tirsan sida ay xaqiijiyiin laamaha amniga sidoo kalena ay ku dhintiin ilaa shan ruux halk sagaal ruux oo kale ay ku dhaawac mayn.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in la iskula xisaabtami doono sugida amniga islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabadgalyda Caasimadda.