Wararka
SHIR SANADEEDKA GARSOORKA DALKA 2021 OO MAANTA FURMAY.
Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka ayaa maant ka furmay magaalada Muqdisho kaasoo soconayaa muddo labo maalmood ah.
Shirka waxaa ka soo qayb galay dhamaan hay’addaha Garsoorka dalka waxaana daahfuray wasiirka wasaaradda cadaaladda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Faahfaahin ka bixiyay Hannaanka Garsoorka Dalka.
Ujeeddooyinka Shirka Sanadkan ayaa ah; In la qiimeeyo wixii qabsoomay Sanadkii tagay, In la darso caqabadaha soo wajahay Garsoorka Sanadkii tagay, In la soo bandhigo horumarka iyo is beddelka la hiigsanaayo sanadka bilawga ah, in la dar-dar geliyo fullinta xukunnada Maxkamadaha iyo in la Hirgaliyo Sharciga si mideysan.