Wararka

Shir looga hadlaayo kor u qaadista tayada waxbarashada dalka oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa maanta magaalada Muqisho ka furay shirka looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha Hiddaha &Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasime waaxedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo wakiilo ka socday Jaamacadaha ku yaala Gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa intii uu socday looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen, Horumarinta waxbarashada dalka iyo in la,la yimaado iskaashi dhab ah oo kor loogu qaadayo tayeynta waxbarashada Soomaaliya.

Agaasimaha Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Wasaaradda waxbarshada Cismaacil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in loo baahan yahay wadashaqeyn dhab ah iyo in lahelo xiriir joogto ah oo ka dhaxeya wasaaradda waxbarashada iyo Jaamacaddaha dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay kor u qaadista tayeynta waxbarashada dalka.

Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, standing

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close