Wararka

Shir looga hadlaayo Horumarinta waxbarashada dalka oo ka socda dalka Itoobiya.

Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada addis-abba ee caasimada dalka Itoobiya shirka wasaaradaha waxbarshada heer federaal iyo dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir kaas oo inta uu socda diiradda lagu saaraayo Horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa shir guddoomiyay kulanka waxaana gaba gabada shirka lafilayaa in laga soo saaro qodoba wax tar u leh ardayda Soomaaliyeed.

Wasaaradda Waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waddo dadaallo ay ku midaynayso Manhajka waxbarashada dalka iyadoo ku guulaysatay in ay mideyso Manhajka waxbarashada ardayda fasalada dugsiga hoose iyo dhexe halka kuwa dugsiga sare ay waxba iska badalin.Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close