Wararka

Shir looga hadlaayay horumarinta waxbarashada oo Mugdisho lagu soo xiray.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federalka Soomaaliya cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta Soo xeray shir  muddada saddaxda maalmood ka socday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho. Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadalay horumarinta waxbarashada, Tacliinta Sare caafimaadka iyo ka hortagga saboolnimada dalalka soo koraya.

Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo shirka Soo xiray ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada uu leeyahay shirka oo ay soo qaban-qaabisay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed islamarkana ay ka soo qeyb-galeen madax ka Socoday wadamada Soomaaliya ka taageera waxbarashada iyo jaamacado kaalin ka soo qatay waxbarashada Soomaaliya intii uu bur burka ka jiray dalka.

“Waxaan maanta si rasmi ah u soo xeray shirkii muhiimka ahaa ee muddada saddaxda maalmood ah nooga socday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho. Shirka intii uu socday waxaan kaga hadalnay horumarinta waxbarashada, Tacliinta Sare iyo ka hortagga saboolnimada dalalka soo koraya” ayuu yiri wsiir Cabdullaahi Goodax Barre.Image may contain: 10 people, suitImage may contain: 5 people, people smilingImage may contain: one or more people and crowdImage may contain: 10 people, people smiling, suitImage may contain: 5 people, crowdImage may contain: 2 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close