Wararka

Shir lagu xalinaayay qaar kamid ah Beelaha dago dowlad goboleedka KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koomfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu qabtay Shir ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin ka socotay wasaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo Dib -uheshiisiyiinta Dowlad Goboleedka KGS, Xildhibaano, Qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka KGS.

Ujeedada shirka ayaa ahaa Dib uheshiisiyiin lagu Xalinaayay Mid ka Mid ah Beelaha Koonfur Galbeed oo Tabasho ka qabey Doorashadii koonfur Galbeed Soomaliya Lagu doortey Madaxweyne Abdiasiis Lafta Gareen.

wasaradda Arrimaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalisey Tabashooyinkii ay qabeen Beelahaasi waxana odayaasha beeshaas mataleyay ay Ballan qadeen in ay Nabada ay qaateen ayna la shaqeyn Doonan Dowladda Koonfur Galbeed uu hogaamiyo Madaxweyne Abdiasiis Xasan Mohamed Lafta-gareen.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadley qaar Mid ah odayaasha Dhaqanka KGS oo sheegey in dib uheshiisiyiinta ay qaateen Horumarka Dowladnimada Koonfur Galbeed ay ka shaqeyn doonan waxana Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka codsadeen in Xuriyadiisa la siiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Ali abuu mansuur.

Wasiirka wasaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka KGs Mohamed Abuukar aya ka Hadley Muhiimada shirkan Wuxuna sheegey in Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay Diyaar Utahay Xalinta Tabasho waliba.Image may contain: people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, beard

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close