Wararka
SHIR KU SAABSAN SAXAAFADA IYO HORUMARINTA DHAQANKA OO MUQDISHO LAGU QABTAY.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa Maanta lagu qabtay shir looga hadlayo dowrka saxaafadda ay ku leedahay horumarinta dhaqanka.
Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaaradda Waraafainta xukuumada federaalka Soomaaliya, hay’adda UNESCO, Midowga Yurub iyo Haayadda CISP waxaana goobjoog ka ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-caddaala iyo xubno kale oo ka socda warbaahinta Madaxa Bannaan.
Inta uu socda kulankaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqanka iyo kobcinta hab dhaqanka wanaagsan ee saxaafadda.