Wararka

Shareecada Islaamka oo maanta ka dhaqan gashay Brunei iyo dowladaha reer Yurub oo qayladhaan diray.

Dowladda dalka Brunei ayaa meel marisay sharci cusub oo dhanka shareecada Islaamka ah. Sharcigaan ayaa markii ugu horreysay dowladda Brunei ku dhowaaqday sanaddii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Sharcigan ayaa Brunei ka dhigaya dalka kaliya ee Bariga ama Koonfurta Bari ee Asia ee si heer qaran u dhaqan-geliya ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ku biirayaa dhowr dal oo badankood ku yaalla Bariga Dhexe, sida Sacuudi Carabiya, oo shareecada looga dhaqmo.

 

Sharciga ayaa qoraya in xukun dil ah lagu fuliyo dadka gaysta ficillada ay ka midka yihiin kufsiga, zinada, galmada laga sameeyo wixii ka baxsan xubinta taranka ragga ama dumarka, dhaca, iyo aflgaadeynta Nebi Muxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Waxa uu sidoo kale sharciga qorayaa in la karbaasho dumarka iska rida ilmaha iyo in gacan laga gooyo dadka ku kaca xatooyada.

Sharciga ayaa dhinaca kale dhigaya dambi tahay in caruurta dalka Brunei lagu bar-baariyo diin aan ahayn tan islaamka.

Midowga Yurub ayaa maanta cambaareeyey sharciga Islaamiga ah ee ka dhaqan galay dalka Brunei, oo uu sheegay in ciqaabta “arxan-darrada ah” ee sharciga uu ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

“Qaar ka mid ah ciqaabta uu sharcigan ogolaanayo ee dambiyada qaar waa jir dil, ficil arxan-darro, wax ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liiditaan ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenka Midowga Yurub.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciqaabaha uu sharciga ogolaanayo ay jebinayaan xeerarka QM ee ka dhanka ah jirdilka, oo Brunei ay saxiixday ilaa sanaddii 2015.

“Waa muhiim in Brunei-Darussalam ay xaqiijiso in fulinta sharcigan uusan ka hor-iman xuquuqda aadanaha, islamarkaana uu waafaqaa dhammaan waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee xuquuqda aadanaha oo ay Brunei-Darussalam qaadatay” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub.

Boqorka Brunei ayaa horay u soo saaray wareegto uu dalkaas ugu soo rogay Shareecada Islaamka, iyadoo dowlada dalkaas aay sheegtay in sharcigan uu yahay mid ka yimid dhanka Alle.

 

 

 

 

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close