Wararka
Shan Cutub oo ka tirsan Dastuurka KMG oo lagu Wareejiyay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka.
Munaasabadan oo wasaaradda dastuurka loogu wareejinayay shantii Cutub ee ugu dambeysay dastuurka kumeel gaarka aya waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka kala socda Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka Baarlamaanka faderaalka soomaaliya, Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay 5-tii cutub ugu danbeysay dastuurka Guddiga Madaxa banaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay Wada xaajood kaga soo yeeshaan.
Sii hayaha wasiirka dastuurka ahna wasiir ku xigeenka wasaaradaas Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay keliya in ay harsan tahay wacyigelinta bulshada iyo sidii loo horgeyn lahaa baarlamaanka faderaalka.
10-cutub oo ku jira dastuurka kumeel gaarka aya dib u eegis lagu sameeyay iyadoo 5-tan ay cutubna ay tahay intii ugu danbeysay.