Ciyaaraha
Shan arimood oo isha ku hayno todobaadka ugu dambeeya horyaalka premier league.
Taageerayaasha kubada cagta ayaa si aad ah u sugaya kulamada galabta bilawaday ee premier league oo ah kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka xili ciyaareedka 2018/2019.
Dhibic kaliya ayaa kala qaybisa kooxaha Liverpool iyo Man city iyada oo koox kasta oo premier league ah ciyaari doonto kulan adag xili reds marti galin doonto kooxda garaacday kooxaha waaweyn ee premier league ee wolves halka ay Man city marti u ahaan doonto Brighton kulan ka tirsan todobaadkii 38-aad ee horyaalka premier league.
Taageerayaasha Reds ayaa ku rajo weyn in ay dhcdo mucjiso kale sidii kulankii Barcelona kooxda Man city –na guuldaro ama bar-baro lagasho Brighton si ay markii ugu horaysay 29sano kadib ugu guulaysato horyaalka premier league.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5arimood oo aynu isha ku hayn doono kulamada ugu dambeeya ee premier league
1- tartanka loogu jiro horyaalka kooxda ay doonto ha noqotee waxa ay shaki la,aan u qalantaa ku guulaysiga horyaalka Man city iyo Liverpool ayaa soo qaatay xili ciyaareed cajiib ah xili hadii ay arintu ku jirto taageerayaasha kubada cagta midkood horyaalka farta ka saari doonaan kooxaha Liverpool ama Man city.
2-miyuu Mohamed salah noqon doonaa gool dhaliyaha premire league markii 2-aad oo xariir ah? Xidiga reer Masar ayaa si aad ah ugu dhaw ku guulaysiga gool dhalinta premier league isaga oo goolal raaxo leh ku hogaaminayo xidigaha Sergio Aguero iyo Pierre- emerick Aubameyang ayaa u baahan saddexley si ay salah uga qaadaan gool dhalinta horyaalka.
3-tageerayaasha premire league oo sugaya ciyaarista Mohamed salah ee kulanka wolves kadib markii uu ka maqnaa kulankii Barcelona sabab la xidhiidha dhaawac waxana ay taageerayaasha Liverpool si gaar ah u sugayaan in ay tijaabiyaan in uu xidigu taam u noqon karo finalka champions league kadib dhaawacii madaxa ee ka soo gaadhay kulankii Newcastle.
4-kooxaha Man city, Liverpool iyo Chelsea ayaa xaqiijisatay booskooda champions league waxaana raacda Spurs laakiin aan 100% xaqiiqsan booskooda4-aad maadaama ayna kubada cagta ka jirin wax aan suurtagal ahayn Arsenal ayaa u soo bixi karta hadii ay natiijo weyn uga badiso Burnley sidoo kale rajayso in ay Spurs guuldaro kala kulanto Everton iyada oo ay sidaas darted gunners u soo bixi karto champions league.
5-kooxda Man United oo doonaysa in ay sida ugu fiican ku dhamaysato horyaal aad ugu xumaa iyaga oo doonaya in ay guul kun soo xidhaan horyaalka iyo waliba garoonkeeda ol Trafford