Wararka
Shahaadi sharaf la guddoonsiiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud.
Taliyaha ayaa shahaado sharafta uu guddoonsiiyay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari waxaa ay ka danbaysay kadib markii uu ku guleestay sugida amniga Gobalka Bari isagoona uga mahadceliyay dadalkiisa ku aadan wada shaqeynta Booliska iyo bulshada Gobalka Bari.
S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ugu baaqay bulshada in ay la shaqeeyaan lamaha amaanka Gobalka Bari.