Wararka

Senator Ayub Ismaaciil Yuusuf oo booqday xarunta ugu weyn ee Gargaarka iyo arimaha Bini’aadantimada ee Boqor Salmaan ee bariga Afrika.

Senator Ayub Ismaaciil Yuusuf ayaa magaaladda caasimadaa ee Muqdisho ku booqday xarunta ugu weyn ee Gargaarka iyo arimaha Bini’aadantimada ee Boqor Salmaan ee bariga Afrika halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa si maamuus iyo qadarin ku jirto xarunta ugu soo dhaweeeyay maamulaha xarunta sulmaan Suweyd, iyagoona ka wada hadlay arimaha bini’aadantimada ee Hey’aado Boqor Salmaan ay ka wado 18 gobol ee Soomaaliya .

Maamulaha iyo Senatorka ayaa waxaa si gaara u gorfeyeen  arimaha bini’aadantinimada ee gobolka Awdal oo abaaro ba’an iyo roob la’aan ay ka jirto. Salmaan Suweyd ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan gargaarka ay ugu talagaleen 18 gobol ee Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in gobolka Awdal ay il gaara ku eegi doonaa kaasi oo dhawaan ay ku dhufatay duufaantii SAGAR.

Salmaan Suweyd maamulaha xarunta Boqol Salmaan ayaa balan qaaday in wajiga koowaad ay bixin doonaa Labo Ambulance iyo qalab caafimaad oo iskugu jira sariiro iyo agabka kale ee Isbitaalada kuwaasi oo la geyn doono gobolka Awdal.

Senator Ayub Ismail Yusuf oo ka tirsan aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo gudddiga arimaha dibada ee aqalka Sannadka ayaa dadaal dheer ku bixinaayo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar deegaanada uu ka soo jeedo oo inta badan aysan gaarin gacanta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeqaha beesha Caalamku ugu gala galay gobolkaas.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close