Wararka
Seddex Mayor oo dalka Turkiga xilka laga qaaday.
Waxaa maanta xilka laga xayuubiyay seddex Mayor oo katirsanaa Ismaamulka Kurdiyinta dalka Turkiya kadib markii lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanyihiin kooxda PKK ee dagaalka kula jirta dowlada Turkiga sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray wasiirka arrimaha guddaha Turkiga.
Seddexdaan Mayor oo lagu soo eedeeyay in ay kamid yihiin kooxda PKK oo dagaalka kula jirta dowlada Turkiga ayaa waxaa ay xilalka ka hayeen Magaalooyinka Diyarbakir, Mardin iyo Van.
Sidoo kale Booliska Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay kudhawaad 418 ruux kuwaas oo lala xariirinaayo in ay gacan saar laliiyihiin kooxda PKK waxaana laga soo qab-qabtay 29-gobol oo ka tirsan Ismaamulka Kurdiyiinta.