Wararka

(SAWIRO): Daawo sidii ay u dhacday munaasabaddii xalay lagu xusaayay 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa boqollaal dhallinyaro kala qayb-galay munaasabaddii loogu dabaal dagaayay  76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL waxaa uuna ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa goobtaas ka jeediyay qudbad uu ku dhiiri galinaayo dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa uuna  dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka.

“Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.”

Madaxweyne farmaajo ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee u soo halgamay xornimadii shacabka Soomaaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close