Wararka
Sarkaal Qof Shacab Ah Ku Dilay Oo Maanta Dil Lagu Xukumay.
Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) Oo Loo heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan 21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu wareejiyay Hey’adaha Baarista.
Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah Oo soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad ee jaamacadda Xiliga La Dilaayay Marxiuumka Ayaa Waxa u Watay Gaarigiisa raaxada.
Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).
Ugu dambeyn maanta Oo Ay taariikhdu Tahay 12 january 2019 ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane Ex, Laba xidigle xoogga dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.