Wararka
Sanator Cabdi Qaydiid oo ka hadlay hadal hayn ah in codka kalsoonida lagala noqonayo ra’isal wasaraha dalka.

Senator C/Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay ciidamada dowlada ka soo hor jeeda oo aan wali dib ugu noqon saldhigyadooda.
Sanatarka ayaa sheegay in aysan jirin sabab ay ciidamada u sii kor fadhin karaan guryaha dadka shacabka ah madama qodobadii la’isku haayay laga heshiiyay.
“go’aanadii ka soo baxay xafiiska Ra’isal wasaaraha iyo xafiisyada dowlad goboledyada Hirshabelle iyo galmudug oo uu taageeray Madaxweynaha JFS waxaa ku jiray in ciidamada ay ku noqdaan saldhigyadooda. ma muuqata talaabadaas waxaana ku baaqayaa in ciidamada ay saldhigyadooda ay ku noqdaan”
Sidoo kale Senator C/Qeybdiid waxaa uu ka digay in xildhibaanada golaha shacabka ay codka kalsoonida kala noqdaan ra’isal wasaare Roble taas oo uu ku sheegay in ay dalka galin karto xalad aan caadi aheen.