Wararka
Saldhigga Cusboole ee degmada Deyniile oo lagu qareejiyay Ciidanka Booliska.

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejisay Saldhigga Cusboole ee degmada Deyniile oo maalmihii ugu danbeeyay cabasha laga muujiyay.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleemaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska lagu wareejiyay Saldhigga Cusboole ee Deyniile sidoo kalena la baarayo falalkii la sheegay in ay ka dhaceen.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa warbaahinta kula dar daarmay in ay ka foojignaadaan wararka kicinta dadweyne ee sababi karo cara ka dhalata arrima qaar oo aan la hubin wixii xaqiijin ahna ay ugu danbeeyaan Hay’addaha u xil saran.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka soomaaliyeed oo kormeer ku tagay saldhiga degmada dayniile ee gobolka banaadir https://youtu.be/YmwOViLKQcQ
Posted by TUSMO TV on Thursday, 7 May 2020