Wararka
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo beeniyay warar sheegaayo in qasab lagu soo celiyay qaar kamid ah bukaanii halkaas la geeyay.
Safiirka dowlada federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed (Caydiid) ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka dib markii ay qaar kamid ah warbaahinta Gudaha dalka Qortay arrima sheegaayo in dad xanuun loogeeyay Turkiga dib dalka loogu soo celiyay si qasab ah.
Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed (Caydiid) ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu aysan wax shaqa ah ku laheen soo celinta dadkii Soomaaliyeed ee Xaaladda Caafimaad ay Dawladda Turkigu u gaysay dalkeeda waxaa uuna sheegay in go’aanka qofka bukaanka ah looga soo bixinaayo goobta caafimaadka ay shaqa ku leeyihiin dhaqaatirka daawaynayso kuwaas oo uu sheegay in ay warbixinta bukaanka u gudbiyaan wasaaradda caafimaadka Turkiga taas oo ugu danbayn ruuxa u soo jartay Ticket-ka.
“Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu Shaqo kuma lahan Dib u celinta dadkii Soomaaliyeed ee Xaaladda Caafimaad ay Dawladda Turkigu usoo Qaaday”. ayuu yiri Ambassador Caydiid.
Safiirka ayaa dowlada Turkiga ugu mahadceliyay sida ay mar kasto xil iskaaga saarto u gar-gaaridda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada soo gaarta isagoo dhanka kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ay isla dhexmarayaan qaar kamid ah warbaahinta dalka.