Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga “Bulshada Soomaaliyeed ma saameynayo go’aankii Turkiga”

Safiirka dowlada Federaalka Soomaailya u fadhiga dalka Turkiga Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aankii dhawaan ay soo saartay dowladda Turkiga oo ahaa inaan ikhaamada la sii doonin dadka dalxiiska ku gala dalkaas Turkiga.

Ambassador Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid) ayaa sheegay in uu maanta la kulmay madaxa hey’adda Socdaalka Turkiga, isla markaana uu u cadeeyey in dadka Soomaaliyeed uusan saameyn doonin go’aan dowladda Turkiga ay ka soo saartay arinkaas.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in madaxa hey’adda socdaalka Turkiga uu kala hadlay sidii Visaha loogu fududeyn lahaa wakhtigana loogu kordhin lahaa dadka caafimaadka u yimaada dalkaas.

“Sannadkaan 2019 in ka badan 11 kun oo Soomaali ah ayaa dalbatay dal ku galka Turkiga (Visa), waxaana la siiyey in ka badan 7 kun oo Soomaalida wata Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Ambassador Ceydiid.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close