Wararka
Safiirka dowlada Ingiriiska u jooga Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender waxaa ayna ka wada hadleen arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada iyo arrimaha doorashooyinka maamulka Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa arrimahaasi.
Dhiniciisa, Amb. Ben Fender ayaa sheegay in ay dhankooda markasto joogteen doonaan adkaynta xeriirka labada dhinac.