Wararka
Safiirka Cusub ee dowlada Soomaaliya u magaacawday dalka Hindia oo gaaray dalkaasi.
Magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindia, waxaa Maanta gaaray Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magaacawday dalka Hindia Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya waxaana halkaa loogu sameeyay Soodhaweyn diiran.
Munaasabadda Soodhaweynta Safiirka cuub ee dowladda Federaalka ay u magacaawday dalkaasi Hindiya waxaa ka qayb galay Qaar ka mid ah Madaxda iyo Dibolomaasiyiinta dalka Hindiya, diblamaasiyiinta safaaradda Soomaalida iyo jaaliyada Soomaaliyed ee dalkaasi.
Ambassador Faaduma C/llahi Insaaniya oo ka hadashay kulankii soo dhoweynta ee loosameeyay ayaa ugu mahadcelisay madaxda dalka Hindiya iyo diblamaasiyiinta iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi sida diiran ee u soo dhaweeyeen.
Siihayaha safaaradda ahna Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Hindiya, Axmed Maxamuud Maxamed oo isna kulanka soo dhoweynta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo u qabsoomay safaaradda iyo qorshaha waxqabad ee horyaala.