Wararka
Safaradda Soomaaliya ee Hindiya oo soo bandhigtay wargays ka hadli doona xeriirka labada dal.
Munaasabad lagu qabtay Magaalada New Delhi ee caasimada Dalka Hindiya ayaa lagu soo bandhigay Magazine (Wargeys) ay soo saarto Safaaradda Soomaaliya, kaas oo lagaga hadlo xiriirka dalka Hindiya la wadaago Qaaradda Africa gaar ahaan xeriirka Soomaaliya iyo Hindiya.
Munaasabada waxaa Goob joog ka ahaa; Masuuliyiinta Safaaradaha Qaaradda Afrika ee New Delhi, safiirka Soomaaliya ee Hindiya, Madax ka tirsan Dowladda Hindiya iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.
Ambassador; Ebyan Maxamed Saalax Ladane, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Hindiya oo goobta ka hadashay ayaa Bulshada Labada Dal kula dar-daarantay in ay ilaaliyaan xiriirka wanaagsan ee Labada Shacab.
Ambassador Ebyan ayaa sidoo kale sheegtay in ay Safaaradda Soomaaliya iyo kuwa Waddamada, Carabta iyo Afrikaba ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Dowladda Hindiya, iyadoo ballan qaadday in ay intaa kasii xoojin doonaan.