Wararka

Sacuudiga Oo Lagu Helay Dilka Jamal Khashoggi Iyo Saameynta Ay Ku Yeelan Karto Soomaaliya – Warbixin

Dowladda Sacuudiga ayaa u dhow in ay qirato dilka wariye Jamal Khashoggi oo muddo todobaad ka badan la weysanaa meel uu jaan iyo cirib dhigay, ka dib markii dambibaarista Turkiga ee falkan ku raadjoogey soo bandhigeen cadeymo muujinaya in lagu qaarajiyey qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Jamal Khashoggi oo ahaa wariye carrab dheer oo u dhashay Sacuudiga balse ay isku xumaayeen amiirka leh dhaxalka boqortooyada Maxamed bin Salmaan, ayaa lagu waayey qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii bishan, halkaas oo lagu khaarajiyey.

Koox dambi baareyaal ah oo ka socodey xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Turkiga ayaa markii ugu horreysey todobaadkan gudaha u galay dhismaha qunsuliyadda, waxayna sheegeen in ay halkaas ka heleen raadad ka maragkacaya tuhunkii ay ka qabeen in Jamaal halkaas lagu dhex diley, ka dibna jirkiisa la kala dhantaalay.

Baareyaasha oo sidoo kale galay guriga qunsulka, ayaa waxay intaas ku dareen in Jamal Khashoggi lagu diley hawlgal qaatay muddo todobo daqiiqo ah ay fuliyeen koox si gaar ah looga soo diray Sacuudiga, ku waas oo dhibbanaha ceejiyey ka hor intii aysan jirkiisa cadcad u jarjarin.

Waregeyska Yeni Safak ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa shaaciyey in cod maqal ah oo sida la sheegay uu Khashoggi qudhiisu isaga duubay saacad u xirneyd laga helay caddeymo muujinayo in si fool xun loo diley. Codkan oo aan weli la baahin ayaa laga dareemayaa in jirka dhibbanaha nolosha lagu kidfay, iyadoo jibaadkiisa laga maqlay dhismaha oo dhan.

Waxaa sidoo kale la maqlayaa hadalka Qunsulka Guud ee Sacuudiga Maxamed Al-Cuteybi oo kooxda falkan fulineysey ku leh, “War dhib ha ii soo jiidinee, orda bannaanka ku sameeya”. Waxaase durbadiiba afjigey mid ka mid ah raggii  jirdilka wadey oo leh, “aamus haddaad rabto in aad sii noolaato marka aad (Sacuudiga) ku laabato”.

Maxamed Al-Cuteybi ayaa dib looga yeeray magaalada Riyadh, iyadoo xilka laga xayuubiyey, ka dibna xabsi guri la geliyey. Cinqaabta qunsulka ayaa loo aaneynayaa in salka ku hayso in uu ka biyo diidey jirdilka wariyaha, iyo cabsi laga qabo in uu gacanto u galo sirdoonka Turkiga oo doonayey in xasanaadda laga qaado si su’aalo loo weydiiyo.

Madaxweyne Donald Trump oo gacansaar dhow la leh amiir Maxamed bin Salmaan oo dilka Khashoggi wax laga saarayo, ayaa ku gacansayray in uu codkiisa ku biiriyo cadaadiska Sacuudiga ku foogan, wuxuuna Talaadadii Riyadh u direy xoghayehiisa arrimaha dibedda, si uu boqorrada xujoobey ula malmalo tab iyo xeel ay mashaqadaan uga lug baxaan.

Sagal muuqda su’aal ka dhan

Dowladda Sacuudiga oo in muddo ah inkiraysey eedda loo haysto, ayaa markii Mareykanka ka heshay ballanqaad ah in aan loo cinqaabi doonin falkan, islamarkaana la hor dhigay caddeymo aysan dafiri karin hoos u qiratay dambiga.

Tusmotv laga helay diblomaasiyiin u dhuundaloola arrintan ayaa tibaaxaya in ka dib dood dheer oo lagu lafagurayey qaabkii loo sameyn lahaa qiraal maldahan, la isku raacay marmarsiinyo dhigaya “in Jamal Khashoggi uu si kama’ ah ugu baxay gacanta baareyaal Sacuudiyaan ah, waxayna ku andacoodeen in uu sababsaday baaritaan su’aalo lagu weydiinayey oo lagu talax tagey”.

Dhanka kale, boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Mareykanka, si xiisadda loo damiyo islamarkaana looga hortago wajigax iyo cunaqabateyn caalami ah oo dalkaas soo food saarta. Boqor Salmaan ayaa la sheegayaa in uu si gaar ah uga codsaday madaxweyne Raccep Tayyip Erdogan in xaaladda si hoose loo xalliyo, wuxuuna u ballanqaaday in uu ka xaal marinayo jarrimada dalkiisa lagu galay, lamase oga jawaabta Erdogan.

Tusmotv  wuxuu intaas ku darayaa in si loo soo celiyo kalsoonida dadweynaha Sacuudiga iyo dunida kale ee ka argagaxay falkan gurracan, lagu wado in boqor Salmaan qaado tillaabooyin aan la carrabaabin, balse loo maleynayo in ay ku jiraan in uu wiilkiisa badraanka ah ka xayuubiyo awoodaha xad dhaafka ah ee uu ku maquuniyo dadka aan ku fikirka ahayn, waxaana suurtogal ah in dhaxalka laga wareejiyo.

Saaxiib aan sarriig lahayn

Ka sokow Sacuudiga, qirashadan dilka Jamal Khashoggi wuxuu wajigabax ku yahay dowladda Soomaaliya oo si aan sarriig lahayn ula safatay boqortooyada Riyadh, islamarkaana halkii ay ka dhursugi lahayd natiijada baaritaanka socda ay la fududaatay in ay tabashada Turkiga ku tilmaanto “handadaad lagu wiiqayo danaha Sacuudiga”!.

Danaanada dowladda Soomaaliya oo aan la ogeyn in uu ahaa go’aan xukuumaddu u dhan tahay iyo in kale, ayaa waxaa Isniintii lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana si weyn uga xumaaday dadweynaha Soomaaliyeed oo qaadan waayey in iyadoo magacooda lagu hadlayo lagu tiigto dowladda Turkiga oo haybadeeda qaran lagu xadgudbey.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si aan gambasho lahayn u xaqiijineysaa mowqifkeeda ku aadden taageerada ay u hayso xasilloonida iyo madaxbannaanida dowladaha Carbeed”, ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo intaas ku daray, in Soomaaliya ay si cad ula safan tahay boqortooyada Sacuudiga oo uu sheegtay “in lagu hayo handadaad lagu wiiqayo danaheeda dhaqaale”.

Dadka ka faallooda arrimaha xiriirka caalamiga ah ayaa dhaliilay siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid aan fadhin, ka dib markii dowladdu ay go’aan laablakac ah ka qaadatay xiisad ka dhex oogan labo dal saameyn weyn ku leh dalka iyo dunida Muslimka.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka dowladdu ugu kala xaglisay Turkiga iyo Sacuudiga ayaan la ogeyn sida uu u saameyn karo xiriirka xooggan ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Ankara. Waxaanse shaki ku jirin, in inta siyaasadda arrimaha dibedda ee dalka ay majaraha u hayaan “raggan uu muggooduba ahaa maalin la casuumo”, aysan Soomaaliya marnaba noqon karin dowlad magac iyo maamuus leh oo dunida laga xushmeeyo.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close