Wararka
Saamaynta COVID-19 oo laga dareemay wasaqoowga Hawada Shiinaha.

Isbadalka uu keenay xanunka coronaviruska ee shiinaha ayaa laga dareemay hawada dalkaasi kadib markii hay’adda NASA oo ah hay’add u xilsaaran sahminta hawada iyo hay’adda European Space Agency (ESA) oo kor joogteeysa wasaqoowga hawada sheegeen in uu hoos u dhac balaaran ku yimid curiyaha kimikaalka ah ee nitrogen dioxide.
Aalada Orbital oo loo nashqadeeyay in ay ilaaliso wasaqoowga hawada ayaa lagu ogaaday In wasaqoowga uu keeno nitrogen dioxide oo ka dhalan jiray gaaska gawaarida Isticmaasho, awooda matoorada iyo mashiina kale oo ku shaqeeyo gaaska uu hoos u dhac ku yimid tan iyo Bishii January.
Warbixintaan ayaa ku soo aadayso iyadoo uu hoos u dhac balaaran ku yimi dhaqaalaha aduunka oo uu saameeyay xanuunka coronaviruska ka dib markii wadamada caalamka ay soo wada rogeen bandaw iyo xayiraad dhanka socdaalka ah.