Wararka
S/guuto Maxamuud Sheegow Cadow oo Muqdisho ku geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa ku geeriyooday Allah u naxariistee S/guuto Maxamuud Sheegow Cadow.
Allah u Naxariistee Marxuumku waxa uu ku geeriyooday Cusbataalka Dr. Guuleed ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka Booliska soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Alla ha u Naxariistee S/guuto Maxamuud
Sheegow Cadow waxaa una ku tilmaamay in Marxuumka u ahaa sarkaal aad loogu ciseeyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaalin muhiim ahna kaga jiray.