Wararka
Ruushka oo Soomaaliya u balan qaaday in u kordhin doona deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaliya.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa maanta magaalada Muqdisho Kullan kula qaatay Safiirka Cusub ee dalka ruushka Mikhail Golovanov.
Labada masuul ayaa kawada hadlay xiirirrka Soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Ruusha sidoo kale waxaa ay kawada ahdleen iskaa shiga Horumarinta waxbarashada Labadal.
Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada ayaa Safiirka dalka Ruusha kala hadlay deeqaha waxbarasho ee dalka Soomaaliya uu ka helo dalka Ruusha.
“Waxaan Maanta magaalada Muqdisho kullan kula qaatay Safiirka Cusub dalka Ruushka Mikhail Golovanov Soo dhaweyn kadib waxaan kawada hadalnay xiiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeyo labada wadan. Sidookale waxaan kawada hadalnay Xoojinta iskaa shiga waxbarashada labada wadan” ayuu Yiri Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.
Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbara oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in safiirka dalka Ruushka Amb. Mikhail Golovanov uu u balan qaaday in wasaaraddu uu kala shaqeeyn doona kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka ruushka uu siiyo Soomaaliya.
“Mikhail Golovanov waxa uu ii balan qaaday in uu wasaaradda waxbarashada kala shaqeyn doono kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka ruushka uu siiyo Soomaaliya”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.