Wararka

Ruushka oo qabtay kulan afar geesood ah oo looga xaajoonayo arrimaja dowlada Afghanistan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Taliban.

Dowlada Ruushka ayaa waddo dadaal ku saabsan sidii heshiis nabadeed loo kala dhex dhigi lahaa dowlada Afghanistan iyo kooxda ka soo horjeeda ee Taliban.

Xukuumada Moscow ayaa shimcihii shalay casuumtay guddoomiyaha wadaxaajoodka dowlada Maraykanka u xilsaaran Talibaaniyiinta iyo  Afghanistan Zalmay Khalilzad iyo wakiillo ka kala socday dowladaha Shiinaha iyo Afghanistan si ay ugu wada xaajoodaan sidii dagaalka qarniyada qaatay loosoo afmeeri lahaa.

Sida laga soo xigtay masuuliyiin ka tirsan dowlada Maraykanka guddoomiyaha wadaxaajoodka dowlada Maraykanka Zalmay Khalilzad ayaa kulamo gooni gooni ah la kala yeelan doona wakiilada ka socda dowlada Shiinaha iyo masuuliyiinta kulanka ku casuumtay ee ka tirsan maamulka madaxweyne Putin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close