Wararka
Ruush-ka oo Soo jeediyay in la dar-dar galiyo qorshaha ka bixista ciidamada AMISOM ee dalka.
Dowlada Ruush-ka ayaa qoraal kooban oo ay ku qortay Barta Twetter-ka waxaa ay kaga hadashay howlgalka midowga Africa ee AMISOM waxaa ayna sheegtay in la dar-dar galiyo habka lagu doonaayo in ciidama Soomaali ah la wareegaan Amniga dalka Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay safaaradda dowlada Ruushka ee boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu yiri “howlgalka midowga Africa ee AMISOM waligood ma Joogi doonaan Sooomaaliya. Sidaaasi darteet kabixista AMISOM ee Soomaaliya waa in la dar-dar galiya xili ay ciidamada Qaranka u diyaar garoowayaan xaqiijinta Nabadda iyo Amniga dalka iyo muwaadiniintaba”
Ciidamada Nabad ilaalinta Africa ee AMISOM ayaa dalka Soomaaliya kusugan muddo ka badan 10 sano waxaana socda olole dalka dib amaankiisa loogu celinaayo ciidamada Qaranka kuwaas oo ay iska kaashanayaan dowlada federalka iyo saaxiibada xagga amniga ka taageero.