
Hay’adda Qaramada Midoobe ayaa soo saartay qaybta koowaad ee tira koobka dadka kunool adduunka sanadkaan 2019-ka.
Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in dadka kunool adduunka sanadkaan, ay gaariyaan 7.8 Billion oo ruux. dadkaas ayay sheegtay in 5.6 Billion oo kamid ah ay yihiin dumar halka 2.2 Billion ee soo hartay ay yihiin rag.
Hay’adda Qaramada Midoobe oo qoraalkeeda sii waddo ayaa dumarka kula talisay in ay feejig naan dheeri ah ka muujiyaan 2.2 Billion ee ragga ah, kuwaas oo ay ku sababaysay in; hal Billion oo kamid ah raggaasi ay guursadeen, 130 Million ay xabsi ku jiraan halka 70 Million oo kale ay la il-daran yihiin xanuunada dhimirka.
Sidaasi darteet waxaa soo haray oo kaliya 1 Billion oo rag ah kuwaas oo guur diyaar u ah balse hay’adda ayaa halkaas Billion ee soo haray iyaguna u kala qaaday sida tan; in 50% kamid ah ragaasi ay shaqa la’aan yihiin, in 3% kamid ah ay yihiin Qaniis ( dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda), in 5% kamid ah ay yihiin Wadaadada Katooliga (Catholic Priests) kuwaas oo aanan guursan, in 10% kamid ah ay yihiin qaraabadooda iyo in 35% kamid ah ay ka weyn yihiin da’aadda 66-sano.
Sidaasi darteet ayaa dumarka aan wali guursan iyo waliba kuwa guursaday warbixintaasi lagula taliyay in ay ka feejignaadaan ninka ay noolasha la qabsanaayaan adduunkaan.