Wararka
Ra’isul Wasaare Rooble oo garay Qaahira
Ra’iisul Wasaarha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaa.
Inta uu Ra’isul Wasaare Rooble ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalka Masar oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashi labada dal .
Masar waa dal xiriir fog oo kumannaan sano ah la leh Soomaaliya kuwaas oo isugu jiray mid diblomaasi, ganacsi ,waxbarsho iyo dhaqaale.