Wararka
Raisul wasaaraha Dalka oo garay Dhuuse Mareeb.
Raisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya maxamed Xusen Roble iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Abdi kaariye madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Ali daahir Ciid Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr maxamed Nuur Gacal wasiiro xildhibaano iyo maamulka caasimada.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ka bilawda shirkada madaxda dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada Dhexe.