Wararka
Raisal wasaraha Xukuumada Federal ka Soomaali oo safar ku tagay Dalka Ingiriiska.
Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Dowladeed, daneeyayaasha arrimaha waxbrashada iyo hoggaamiyeyaasha dhalinyarada ,iyada oo xoogga lagu saari doono horumarinta nidaamyada waxbarashada ee dalalka ka qeybgalaya shirka.
Waxaa Raisal wasaraha Xukuumada Federal ka Soomaali safarka ku wehlinaayo masuuliyin ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Waxbarashada
Dhanka kale Ra’isal wasaare Mohamed Hussein Roble ayaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku bogaadiyay soo gudbinta Liiska Qaar kamid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada.
“Doorashadu way bilaabatay, Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay dedejiyaan qabashada doorashada” ayuu yiri Maxamed Xussen Roble oo fariin u diray madaxda maamul goboleedyada dalka.