Wararka
Ra’isal wasaarihii hore ee dalka oo cudur daar ka mujiyay xad gudub u shegay in loo gaystay madaxweynihii hore ee dalka

Reysal-wasaarihii hore ee dalka oo dhankiisa uga cudar daartay Xad gudubyadii Sheikh Shariif uu ka tirsanayay DF Somaliya intii uu xilka haayay.
Wararka aynu ka heleyno magaalada Nairobi ee dalka kenya ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Shariif shiekh Axmed iyo Ex raiisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo labadaba ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ay galabta kulan ku yeesheen magaaladaasi.
Kulankaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay wada yeeshaan kadib markii Xilka laga qaaday Kheyre ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira xaaladda siyaasadda iyo doorashada ka dhici doonta dalka dhawaan oo labaduba mid walbaahi uu u gucleynayo helista kursiga madaxweynaha dalka.
Xogaha ay heleyso Tusmo Tv ayaa sheegaya in Xasan Cali kheyre uu uga garaabay Shiekh Shariif wixii tabasho ah oo dhankiisa ah ee ku aadan caqabadihii dowladda uu kala kulmay intii uu Reysal wasaare ahaa.
Ugu danbeyn wada shaqeyn ayey ku balameen iyo kulamo si ay isaga kaashadaan isbaheysi siyaasadeed oo lagu wajaho doorashada Madaxweynaha.
Magaalada Nairobi oo ah xarunta ay inta badan siyaasiyiinta somalida olalahooda kasoo bilaabaan xiliyada doorasho uu gali rabo dalka ayaa hada waxaa ku sugan inta badan siyaasiyiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee dalka ayagoo halkaas ka wada olole xoogan iyo diyaar garow la xariira isbadalka cusub ee uu dalka gali doono 2020 2021.
Tusmo tv isha xogaha iyo wararka sugan, halkaan saaxiib nagula ahoow.