Wararka
Ra’isal wasaare Rooble “Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah”..
Muqdisho (tusmotv.s) – Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Eng. Maxamed Xussen Roble ayaa ka tacsiyeeyay geerida lama filaanka noqotay ee ku timid Allah u Naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun.
Ra’isal wasaaraha ayaa faray dhamaan laamaha amaanka ee u shaqada in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas.
“Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo. Waxaan farayaa hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah.” Ayuu yiir Ra’isal wasaare Rooble.