Wararka
Ra’isal wasaare Roble oo socdaal ku aadi doona Puntland iyo Galmudug.
Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble ayaa si rasmi ah u furay shirka Madasha wadatashiga dowlada federaalka iyo Beesha Calamka.
Shirka Madasha Iskaashiga ee ka socda Muqdisho ayaa looga doodayaa Horumarka laga gaaray dib-u-habeynta iyo dhismaha ciidamada, qorshaha amniga dalka ay kula wareegayaan ciidanka Qaranka.
Ra’isal wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dhamaadka Asbuucaan uu safar u gali doona dowlad goboleedka Puntland iyo Galmudug isaga oo ugu danbeyn shir deg deg ah Mugdisho ugu qaban doona Madaxda dowlad gooboleedyada xubnaha ka ah.