Wararka
Ra’isal wasaare ku xigeenka XFS oo raali galin ka bixiyay hadal horay ugu soo yeray.

Ra’isal wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaliya Mahdi Maxamed Guleed Khadar oo ka qayb galay madasha Hiritage ayaa raali galin ka bixiyay hadal uu horaan ka jeediyay Tiyaatarka Qaranka kaas oo ahaa in doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacda uu wareega koowaad ku guulaysan doona madaxweyne Maxamed C/lahi Farmaajo.
“Waxaan rabaa in aan Shirweynahan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u idhi oo ahaa: wareegga koobaad ayaa lagu kala baxayaa. Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa. Musharraxiiney raalli ahaada. Ha baqanina, ha cabsanina, wareeggii koobaad xaal baa laga bixiyay. Garoonku waa noo wada furan yahay, ee soo diyaargarooba”. ayuu yiri Gulled.
Madasha Macadka Hiritage ayaa maanta gashay maalinkii labaad iyadoo ay goobta hadalo ka jeediyeen Masuliyiintii ka soo qayb gashay.