Wararka

Ra’isal wasaaraha dalka oo u Jawaabay Madaxweyne ku xigeenka dalka.

Tiyaatarka Qaranka waxaa lagu qabtay Munasabada Mahadnaqa Qorayaasha iyo daahfurka Aaladeynta Manhajka Qaranka.

Arday ka kala socota dugsiyada casimada, qaar kamid ah ardayda Jaamacada umada iyo caruurta Agoonta booliska ayaa munasabada qayb ka ahaa.

Hobolada waa bari iyo heegan ayaa heeso kale duwan ku maweeliyay dadkii kasoo qayb galay munasabada, sidoo kale caruurta agoonta cidanka Boliska iyo gabdhaha agoonta bondhere ayaa cayaaro cajib ah kusoo bandhiagay masraxa.

Ra’isal wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Gulled Khadar, wasirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasirro dowlaha wasaaradda waxbarashada, agaasimaha Guud ee wasaaradda, qaar kamid ah xildhibanada laba aqal, iyo madax kale ayaa munasabada ka soo qayb galay.

Furitaanka munaasabadda Mahadnaqa Qorayaasha iyo daahfurka Aaldeynta Manhajka Qaranka waxaa faahfaahiyay ujeedka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Agaasimaha guud ee Shirkadda Beder Cali Muuse ayaa isna ka warbixiyay heerarkii kale duwanaa ee ay soo martay Shirkadda iyo caqabadihihii ay wajaheen.
Wasirka Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Munasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraday waxtarka waxbarashada ay bulshada u leedahay isga oo sheegay in ay isku dayi doonaan soo celinta Xafiiska Manaahijta.

Raisal wasaarahaa ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Gulled Khadar oo soo xiray munaasabadda ayaa ka waramay Juhdiga ay dowlada galisay waxbarashada isga oo sheegay in ay kordhiyeen miisanada ku baxda waxbarashada.

Raisal wasaarahaa ku xigeenka dalka ayaa musharaxiinta u dagan qabasha xilka maxtinimo ee dalka ku booriyay in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay dalka ugu dhici laheed doorasha nabdoon.

Sidoo kale ra’isal wasaare ku xigeenka XFS ayaa u jawaabay hadal kasoo yeeray Madaxweyne ku xigeenka dalka kenya Wilyam Ruto oo ahaa in ay arrimaha Soomaaliya kala xaajoon doonaan madax cusub oo ay ayagu keensanayaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close