Wararka
Ra’isal wasaaraha dalka oo sheegay in Doorashada ay bilabanayso.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu ay go’aansatay in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor Qoor oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowlada ay tanaasul ka samaysay qodobo ay maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland u soo dhiibeen balse aysan wax jawaab ah ku soo celin Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe.