Wararka
Ra’isal wasaaraha dalka oo kulan la qatay Madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisal Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee Garoowe.
Shirka oo ay ka qeybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirka Arimaha dibadda DFS Maxamed Cabdirisaaq, ayaa looga hadlaya marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashadda.
Ra’isal wasaaare Roble ayaa horay u sheegay in uu safar ku mari doona magaalooyin ay ku jirto Garowe isaga oo madaxda maamul goboleedyadana isugu keeni doona shir Magaalada Muqdisho.