Wararka
Ra’isal wasaaraha dalka oo Golaha Wasiradda ugu warbixiyay wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.
Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale.