Wararka
Ra’isal wasaaraha Dalka oo faray ay’adaha amniga in ay si deg deg ah u furaan waddada Dabka.
Ra’isal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xussen Roble ayaa faray hay’adaha amniga in ay si deg deg ah u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.
Ra’isal wasaare Maxamed Xussen Roble ayaa Shacabka Muqdisho ugu mahadceliyay dulqaadka ay muujiyeen saacadaha ay waddadaasi xirneed isaga oo ka dalbaday in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada.
“Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada”. ayuu Yiri Ra’isal wasaare Roble.