Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay qaar kamid ah Safiirada Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda M. Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha ee Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close