Wararka
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Danjireyaasha dalalka Turkiga Iyo Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mohmet Yelmez iyo Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.
Kulanka ayaa arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulineyso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey dhabar adeyga howlwadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, isagoo uga tacsiyeeyay howlwadeennadii Turkida iyo Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday falalkii dhawaan ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Labada Danjire ee Turkey iyo Qatar ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.