Wararka
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo safar ugu baxay dalka Turkiga.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka waxaa safakiisa kuwehlinaayo Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyiin kamid ah dawladda Turkiga.