Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumada oo faray in la dardar galiya fulinta qorshayaasha u degsanaa Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Kullanka waxaa ka qeyb galeen wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta arrimaha bulshada waxaana looga hadlay horumarinta arrimaha bulshada iyo dardar gelinta fulinta qorshayaasha wasaaradaha u degsanaa in ay ku dhammaystiraan sannadkaan 2019.

Wasaaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumada Federaalka ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay mareyso xaaladda bini’aadninimo ee ka jirta guud ahaan dalka.

Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa lagu war-geliyay in la billaabayo isla xisaabtanka lagu daba gelayo wixii wasaaradaha uga qabsoomay halbeegyada sannadkaan u qorsheesnaa ee ay ballan qaadeen fulintooda.

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close