Wararka
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo maanta furay aqoon is-waydaarsi ku saabsan qaab dhismeedka siyaasadda.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay aqoon is-waydaarsi ku saabsan qaab dhismeedka siyaasadda lagu horumarinayo maamulka guud ee deegaanka.
Aqoon is-waydaarsiga ayaa socon doona muda sedax cisha ah waxaana kasoo qayb galay wasiirrada deegaanka ee dawlad gobaleedyada iyo agaasimaha deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo munaasabadda furitaanka aqoon is-waydaarsiga ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay samaynta qaab dhismeedka siyaasadda lagu horumarinayo maamulka guud ee deegaanka, maadaama deegaanka iyo bay’adu ay muhiim u yihiin nolosha bulshada.