Wararka
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo turkiga kaga qayb galay shir.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kaga qayb galay sannad guurada 25-aad ee xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Saxaroobidda dhulka (June 17).
Dowladda Turkiga ayaa marti gelisay xuska, waxaana Munaasabadda furay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ay sheegay in ay muhiim tahay ka qayb qaadashada dib-u-dhiraynta deegaanka si looga baaqsado dhibaatada ka dhalata nabaad guurka deeganka.
Munaasabada waxaa daahfuray wasiirka beeraha ee dalka Turkiga kaas oo dalkiisu marti galiyay kulanka sanadkaan waxaa uuna sheegay muhiimada ka qayb qaadashada dib-u-dhiraynta deegaanka.
Munaasabada waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ka kala socota daafaha caalamka waxaana goobjoog ka ahaa xoghayaha fulinta cahdiga qaramada Midoobay ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka (UNCCD), Ibrahim Thiaw.
xoghayaha fulinta cahdiga qaramada Midoobay ee la dagaallanka saxaroobidda deegaanka (UNCCD) ayaa dhamaan dhinacyadii kasoo qayb gashay kulanka ku amray in ay u hoggaansamaan heshiisyada la xariira deegaanka, iyo hurumarinta xasilinta maamulka dhulka.
Sanadkasta 17-ka bisha Jun waxaa la xusaa maalintaan si la’isku xasuusiya dhibaatada ka dhalankarta nabaad guurka iyo wasaqaynta deegaanka waxaana sanadkaan Halku-dhigga looga dhigay “aan mustaqbalka horumarino si wadajir ah”
Khudbad uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu ka jeediyay munaasabadda xuska ayuu ku sheegay dhibaatada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku qabaaan deegaannada saxarroobaya iyo qorshaha dowladda ee looga hor tegayo saamaynta isbedelka cimillada, abaaraha iyo dhammaan waxyaabaha sababa in dhulku uu saxaroobo oo wax soo saarku uu hoos u dhoco.