Wararka
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.
Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galeen dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxaana looga hadlay barnaamijyada horumarinta dalka.
Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, dowlad gobaleedyada iyo wasaarahaha haweenka iyo qorsheynta.
Intii uu kulanka socday, Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya.