Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan warbixino looga dhagaysanaayay Guddi hoosaadka golaha wasiirrada.

Guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa maanta magaalada Mugdisho ku yeeshay kulan waxaana shir guddoomiyay kulankaas Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Waxaa shirkaan kasoo qayb galay  dhammaan wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha waxaana  looga hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo warbixinno looga dhagaystay wasaaradaha maaliyadda iyo ganacsiga.

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shirka kusoo bandhigtay heerka uu soo gaaray qorshaha daynta looga cafinayo dalka (SMP4) sidoo kale waxaa Warbixin la xariirta iskaashiga ganacsi ee Shiinaha iyo Soomaaliya laga dhagaystay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Intii uu shirku socday ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay guddi loo xil saaray heshiiska cusub ee dowladdu la gashay shirkadda Al-bayrak ee maamusha dekadda magaalada Muqdisho, iyada oo ugu dambeyn lagu soo bandhigay warbixin guud oo looga hadlay tubta horumarinta dhaqaalaha iyo sida ay u socdaan halbeegyada guud ee sannadkaan qorshuhu ahaa in tubtu ay fuliso.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close