Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo qayb galay munaasabad lagu xusaayay 70 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Jamhuuriyadda Shiinaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Magaaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya kahga qayb galay munaasabadda xuska 70 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Jamhuuriyadda Shiinaha.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dowladda iyo shacabka shiinaha ugu hambleeyay xuska maalinta aasaaska Jamhuuriyadda Shiinaha, iyo horumarka ay gaareen toddobaanka sano ee dalkoodu jiray.

Dowladha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xariir xooggan, oo soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi salka ku haya danaha labada dowladood iyo labada shacab.

October 1, 1949 ayaa Shiinuhu noqday jamhuuriyad madax-banaan waxaana sannad kasta asbuuca ugu horreeya October shiinaha iyo safaaradaha caalamka uu ku leeyahay lagu qabtaa munaasabo lagu weynenayo maalintaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close